DHAGEYSO:-Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Jilib

0

War qoraal ah oo ka soo baxay  ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in  duqeyn ay  Mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

“ Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya  ayaa shalay oo ku beegneyd 27/1/2020  ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib oo gobolka Jubada  dhexe ,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

kuxigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering ayaa sheegay in weerarka ay mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib  ay ku dileen sarkaal  ka tirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta aan wax khasaaro ah lagu gaarsiinin dadka shacab ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa inta badan waxaa ay duqeyn ka fuliyaan deegaano dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya,iyaga oo sheegta inay ku dilaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.