DAAWO:-Wasiir Beyle”Soomaaliya waxa ay qarka u saaran tahay in deymaha laga cafiyo”

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir jaraa’id uu xaafiiska ku qabtay ka warbixiyay qorshaha hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo.

Wasiirka ayaa sharaxad dheer ka bixiyay deymaha faraha badan ee Soomaaliya lagu leeyahay, Hey’addaha iyo dowladda ku leh, taarikhda la siiyay Soomaaliya, iyo cadadka lacagta lagu leeyahay Soomaaliya guud ahaan.

Wasiir Beyle ayaa dhanka kale ka hadlay shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaasi oo u dhaxeeyay Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Aduunka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu fallanqeyeeyay hannaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka aya sheegay in shirkaas lagu qaatay go’aanka ah in Soomaaliya ay ka soo baxday sharuudihii ku xirnaa hannaanka loo marayo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa shalay soo saartay warbixin ay ku caddeynayso in la dhamaystiray dib -u- eegistii labaad ee lagu sameeyay barnaamijka la socoshada shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

IMF waxa ay qoraal ka soo baxay ku sheegtay in kooxda hawlgalka ee IMF la gareen dowladda Federaalka Soomaaliya heshiis heer sare ah oo ku saabsan Barnaamijka dib- u- habeynta saddexaad oo 3 sanno socon doono.

Dowladda Soomaliya ayaa rajaynaysa in go’aanka wayn ee shaacinta qorshaha deymaha faraha badan ee lagu leeyahay looga caafiyo la gaari doono bisha Febraayo ee sanadkaan.