DAAWO:-Ahlu Sunna Oo ku Dhawaaqday 69 Xildhibaan Kale & Doorasho Cusub

0

Ahlusunna Waljamaaca ayaa Maanta oo talaadaa Magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay liiska Xildhibaano gaaraya 69 xubnood kuwaas oo ay sheegeen in ay yihiin Xildhibaannada labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Maxamed Yaxye Faarax oo ah Gudoomiyaha a ay Ahlusunna u saartay xulidda xildhibaannada iyo xallinta khilaafaadka ayaa sheegay in Xildhibaannada 69ka ah oo lagu daray 20kii hore ay yihiin 89ka xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka cusub ee ay diyaariyeen Ahlusunna ayaa lagu wadaa in ay doortaan Guddoomiye iyo ku xigeennadiisa kuwaas oo iyana diyaarinaya doorashada Madaxweynaha.

Xilibaanada ayaa sidoo kale gudoomiye ku meel gaar ah u doortay Cabdulqaadir Sheekh Cali Kulmiye (Xoogsade) horay uga mid ahaa Xildhibaanadii Galmudug ee waqtigoodu dhamaaday.

Xildhibaannadan ayaa waxaa ay ku soo aadayaan iyada oo khilaaf uu u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo Ahlusunna,waxaana ay u muuqataa in laba doorasho ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca dowladda Federaalka ah Baarlamaanka Galmudug ee ay taageersantahay dowladda ayaa lagu wadaa in ay khamiista doortaan Madaxaweynaha Galmudug iyada oo ay is diiwaangeliyeen ilaa 4 musharrax.

Sidoo kale Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ku sugan Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Waqtigiisu dhamaaday Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo halkaasi ka wada Doorasho hogaanka ugu saraysa Maamulka Galmudug.