Akhriso:-Wasiirka gaadiidka oo Ku wajahan Caabud waaq

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Wasiirka oo uu kamid yahay Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka mudane Cali Gacal Gaabow ayaa ka qeyb geli doona dhagax dhigga dib u dhis lagu sameynayo garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq.

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowlad goboleedka Galmudug mudane C/llaahi Cali Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga heer federaalka ah ay ku casuumeen dhagax dhigga garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo dib u dhis lagu sameynayo,isagoo sheegay in munaasabadda lagu soo dhaweynayo ay ka socto magaalada Caabudwaaq.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaallo dib loogu dhisayo garoomada diyaaradaha dowlad goboleedyada dalka si loo horumariyo adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed.