Akhriso:-Odayaal war ka soo saaray xaaladda Galmudug

0

Odayaasha dhaqanka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban todobo qodob, oo ay uga hadlayaan doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Odayaasha ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay taageerto xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, isla markaana ay ku garab istaagto dhismaha maamul mid ah oo laga yagleelo Galmudug.

Odayaasha ayaa qoraalkooda baaq ugu diray baarlamaanka cusub ee Galmudug, iyagoo ka dalbaday inaan dib loo dhigin doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxayna 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna ka soo gashay baarlamaanka Galmudug ugu baaqeen inay meel iska dhigaan wixii khilaaf ah mas’uuliyadoodana gutaan.