AKHRISO:- Laftagareen oo Nairobi kula kulmey Madax ka tirsan WFP

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Lafta-gareen) oo Maalmahan ku sugan Dalka Kenya gaar ahaan Caasimadda Nairobi ayaa kulan la qaatay Cesar Arroyo oo ah Masuulka ugu Sareeyo Hay’adda WFP Qeybta Bariga Africa,waxaana qeyb ka ahaa kulanka Wasiirka Maareynta iyo Masiibooyinka DFS Dhigiisa Koonfur Galbeed iyo Xubno Kale.

Muhiimada Kulanka ayaa waxaa uu ahaa xoojinta howlaha Shaqo ee Hay’adda ay ka wado Guud ahaan Dalka gaar ahaan Deegaanadda Koonfur Galbeed,waxaana Madaxa Hay’adda WFP Cesar Arroyo uu Warbixin kooban ka bixiyey Waxqabadka Hay’adda iyo Qorshahooda Sanadkan iyo sida ay u gaarsiiyeen Raashinka Dadka danyarta ah ee ku nool Gobolada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxa Hay’adda WFP Qeybta Bariga Africa iyo Shaqaalaha,waxaana uu sheegen in loo bahan yahay in lasii kordhiyo howlaha Shaqo ee Hay’adda kawado Gobolada Baay,Bakool,iyo Shabeellaha Hoose.

Dhanka Kale Madaxweynaha DGKGS ayaa ka Dalbaday Hay’adda WFP in gar-gaar ay lasoo gaaraan dadka ka soo barakacay Deegaanka Toos weyne oo hoos yimaada Degmada Bardaale ee Gobolka !!y kuwaas oo ku kala sugan degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo Madaxa ha’adda WFP ayaa dhankiisa madaxweynaha u balan qaadey in sida uga dhaqsiyaha badan ay gar gaar soo gaarsiin doonaan dadka barakacyaasha ah.

Ugu danbeyntii Masuulka ugu Sareeyo WFP Qeybta Bariga Africa ayaa balan qaaday iney Balaarin doonaan Xarunta Baydhabo ay ku leeyihiin asagoona tilmaamey in ay tayeeyn Doonaan Shaqaalaha xarunta Baydhabo.