Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Gaaray Jabuuti Iyo Ujeedka Safarkiisa

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti, iyadoo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Cabdullaahi Goodax Bare iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Ujeedka Mahdi Guuleed ee Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay ka qeyb galka Shirweynaha Waxbarashada Afrika oo saacadaha soo socda lagu wadao inuu si rasmi ah uga furmo halkaas.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madax ka socota dalalka Afrika iyo xubno kale, waxaana inta uu socdo looga hadli doonaa arrimo ku aadan Waxbarashada Afrika iyo horumarada laga gaaray Waxbarashada.