AKHRISO:- Faah faahin: Nabadoon Caan ahaa oo lagu diley Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay xalay Nin Oday ahaa ku dileen qeybo kamid ah Xaafada Barwaaqo oo ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan oo watay Gaari ay ku horjareen Gaari uu watay Ninka la diley oo lagu Magacaabi jirey Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Sheebal)’isla markaana ay dhowr Xabadood ku dhufteen taas oo uu u geeriyoodey.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xilliga la dilayey Nabadoonka uu marayay agagaarka Wadada Alhudaa ee ka tagta Isgoyska Eveco ee Wadada Warshadaha,isla markaana aada Waaxda Barwaaqo Xaafada Gubta ee degmada Deeyniile,isla markaana uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukadey Salaadii Cishaha.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Deyniile oo ka howlgalla Waaxda Barwaaqo ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay iyaga oo soo qaadey meydka Ninka la diley iyo gaarigiisa,sidoo kale waxaa ay sameeyeen howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo diley iyo dadka ka dambeeya dilkiisa,waxaana weli ka hadlin Maamulka degmada Deeyniile iyo taliska Booliska degmadaas.