Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay raadineyso lacag balaayiin doolar ah oo ay dooneyso ku gacansiinta dadka ku dhibaateysan Gudaha Soomaaliya.
Farxaan Xaq oo ah Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa sheegay in sanadkaan 2020 ay damacsan yihiin raadinta lacag ay ku kaalmeynayaan Soomaalida dhibaateysan.
Howlaha Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay u baahan yihiin deeq lacageed oo lagu socodsiiyo si loogu adeego gurmad sugayaasha.
3 Malyan oo ruux ayuu tilmaamay Afhayeenka in ay sugayaan ka gacansiinta xaaladaha nololeed ee ay la daalaa dhacayaan waqtigaan.
Farxan Xaq Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Waxa uu kale sheegay in dadkaas ay u badan Barakacayaal ka socdaalay deegaankooda isla markaana saldhigtay deegaanno aan kaga horeyn cuno iyo biyo sida uu hadalka u dhigay.
Dad lagu qiyaasay 5.2 Milyan oo ruux oo Soomaali ah ayuu sheegay in ay ku horgudban tahay duruufaha dhanka amniga oo ay usii dheer tahay Abaar iyo deegaanada qaar oo daadad ku rogmaday.
Ugu dambeyn, Farxaan Xaq Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe waxa uu codsaday in aan laga gacan laaban uruurinta dhaqaalaha dadkaas lagu kaalmeynayo isaga oo si gaar ah u tilmaamay Dowladaha dhaqaalaha heysta, Hay’adaha iyo qof waliba oo awoodo in Sanduuqa Qaramada Midoobe uu lacag ku shubo.