Waare iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo ka wadahadlay arimaha Doorashooyinka

0

Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safiirka dalka Sweden uu kala hadlay doorashada guud ee dalka ka dhici doonta sanadka 2021 kaddib booqasho oo uu ku tagay magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan.

Mr Waare ayaa shaaca ka qaaday in mowqifkooda ku aaddan doorashada dalka ka dhici doonta ay caddeyeen goor hore, kaasi oo ah inaysan dooney muddo kororsi ayna ubaahanyahay in waqtigeeda ay ku dhacdo doorashada.

Madaxweyne Waare ayaa intaasi waxaa uu hadalkiisa ku daray in safiirka Sweden sidoo kale ay kala hadleyn doorkooda ku aaddan amniga hirshabelle iyo sidii la isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan.

Safiirka Sweden ee soomaaliya Stafan Tillender ayaa Dhankiisa  sheegay in maamulka hirshabelle ay ka caawin doonaan arrimaha amniga, caafimaadka ,waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.