Maxamed Buule oo ka faaloodda Arrimaha amaanka, ayaa ka hadlay qaraxyada iyo weeraradda Al-shabaab ka geystaan Magaaladda Muqdisho.
Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in sida kaliyah ee Al-Shabaab looga hortagi karo qaraxyadda iyo weerarada ay geystaan ay tahay in la helo rag ku xeel dheer amaanka oo lagu wareejiyo Hay’adaha Booliska iyo Nabadd Sugidda.
Waxa uu sheegay in aysan jirin saraakiil Boolis iyo Nabadd Sugidd oo u diyaarsan in ay ka hortagaan qaraxyadda iyo Weeraradda Al-shabaab ka fuliyaan Magaaladda Muqdisho,taasina ay fursad u heleen Shabaab.