Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Afduubtay Koonfuur Afrika

0

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ganacsade Soomaaliyeed Afduub loogu geystay gudaha wadankaasi.

Ganasadahaan oo caan ka ah Johannesburg ayaa waxaa la sheegay in laga afduubtay xaafadda Alexandre oo ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu ka mid yahay ganacsatada aas aasay shirkadda Salahudiin oo baqaaro badeecadaha lagu iibiyo ku leh inta badan gobollada dalkaasi.