Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Guddoon Cusub Doortay

0

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa kulankii ugu horeeyay ku yeeshay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaasi oo maalin kahor lasoo Magacaabay.

Kulanka Guddiga ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Arrimo ku aadan diyaar garoowa Doorashada Hoggaanka sare ee Galmudug oo maalmaha soo socda dhici doonta, iyagoona Guddigan doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa laga soo dhex xulay Xikdhibaanada Baarlamaanka, waxaana Doorashada goobjoog ka ahaa Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Guddigan oo ka kooban 13-xubnood ayaa shaqeyn doona Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen, iyagoona saacadaha soo socda soo saari doona Jadwalka Doorashada.

Magaalaa Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha, isla markaana waxaa halkaas ku sugan Musharaxiin badan, kuwaasi oo ku tartamaya Xafiiska Madaxtooyadda Galmudug.