Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay J/Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka J/Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay barbar socotay duqeymo ay fulinayayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay agagaarka degmada Jamaame ee gobolka Jubbaland.

Africom oo war ka soo saartay howlgalkaasi ayaa sheegtay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradahooda ay la beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana ciidamada huwanta oo ku sii siqaya deegaano ku xeeran Jamaame ay weli dhaq dhaqaaqyo Milatari ka wadaan halkaasi.