Dil Ka Dhacay Duleedka Magaalada Boorama

0

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Maamulka Somaliland.

Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Askariga ay ku toogteen duleedka Magaalada Boorama xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona u geeriyooday raasas lagu dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana waxaa goobta kasoo qaadeen Meydka Askariga, iyagoona geeyay Xarunta Booliska Gobolka Awdal.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxihii hubeysnaa ee falkaas ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen, waxaana intaas kadib halkaas laga sameeyay baaritaano kooban.