Dib U Dhac Ku Yimid Jadwalka Doorashada Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqista jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Arrintaan ayaa waxay muujineysaa in Galmudug ay lugaha la sii galeyso khilaaf hor leh, kadib markii Ahlu Sunna ay ka hortimid guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa ku doodeyso in guddoomiyaha guddiga doorashada uu ka yimaado dhankeeda mar haddii dowladda dhexe ay qaadatay guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ayaa ku goodiyey inay qaadici doonaan doorashada, haddii aan loo fulin dalabkooda.