Dhaawacyada Qarxii Afgooye Oo Loo Qaaday Ankara

0

Diyaarad Milatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday 9 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Sabtidii ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa ku jira saddex ka mid ah Injineerada Turkiga ee dhismaha ka waday wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacyadaan oo ay ka mid yihiin askar iyo dad rayid ah ku sii sagootiyey garoonka Aadan Cadde.

Turkiga ayaa horay u shaaciyey in weerarada Al-Shabaab aysan saameyn doonin howlaha kala duwan ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.