AKHRISO:- Wafdi ka socda DFS oo Shir uga qeyb-galay Nairobi

0

Wasiirada Shaqada ee Bariga iyo Geeska Afrika ,ayaa maanta waxaa uu shir uga furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,iyada oo shirka looga hadlayo isu-duwida siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika.

Kulanka oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa Wasiirada Gobolka siinaya fursad ay uga wada-hadlaan oo ay ku wadaagaan siyaasadaha socdaalka shaqo ee jira iyo wax ka qabashada caqabadaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfa oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay, wuxuu sheegay ka hadlida arrimaha shaqada inay fursad u abuurayso bulshada gobolka.

“Haddii socdaalka Shaqaalaha si habsami leh loo maareeyo, faa’iido weyn ayey u yeelan kartaa waddamada ay ka soo jeedaan iyo kuwa ay shaqada u doonteenba,taariikhda ayaana caddeysay.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

“Qofna ma aha inuu naftiisa khatar u geliyo si uu u helo nolal wanagsan.. Xukuumadda Soomaaliya dadaal ayay ku bixinaysa sidii ay bulshadu u heli lahaayeen fursado shaqo oo is beddel dhaliya .” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Shirka waxaa soo agaasimey Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobey ee IOM iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada dalka Kenya ee martida loo ahaa.