AKHRISO:- Sanbaloolshe “Kiiskii Qalbi Dhagax raalli gelin ayaa ka bixinayaa, Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha go’aan geesinimo leh ha qaataan…”

0

Taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa markii u horeysay si daah furan uga hadlay kiiska ku saabsan dhiibista Sarkaalka ONLF C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo uu dib u soo cusbooneysiiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Sanbaloolshe ayaa ugu horeyn cafis weydiistay Qalbi-Dhagax, isagoo qiray inuu kaalin ku lahaa qorshihii loogu dhiibay Itoobiya bishii August sanadkii 2017, xiligaas oo laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamusho Galmudug.

“Eeda aniga kali ma lihi waan ka mid ahay waana qiranahay in layga cafiyo ayaana rabaa, aniga kuma lihi waa lay qasbay iyo kuma jirin, waan qirsanahay” ayuu ku cel celiyay Sanbaloolshe.

Mr. Sanbaloolshe oo wareysi siiyay Dalsan TV, ayaa kiiska ku sifeeyay inuu ahaa shil dhacay, basle uu isu arko in sidii ugu wanaagsaneyd inuu u wajahay, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray inuu saarnaa gaariga Qalbi-Dhagax looga soo saaray xabsiga Godka Jilacow, xilliga laga dhoofinayay garoonka Muqdisho.

“Waxaan shil ayuu ahaa, sidda ugu fiican in aan u xaliyey ayaana aaminsanahay, dad ayaa leh waa mu’aamaraad oo waxaa isku dabaridaaya, Wax mu’aamaraad la yiraahdo oo aniga aan sameynaayey Walaahi Bilaahi oo Talaahi in aysan jirin,” ayuu ku adkeystay Taliyaha.
Sanbaloolshe oo kiiskan oo idil howshiisa dusha uga riday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre, ayaa dhinaca kale labadaasi mas’uul ugu baaqay iney cafis weydiistaan Qalbi-Dhagax, Golaha Wasiiradana ay dib uga laabtaan go’aanka ay liiska argagixisada ugu dareen ururka uu ka tirsanaa ee ONLF.

“Madaxda Qaranka waxaan ka codsanayaa inay qaataan go’aan geesinimo leh, ma qaldame waa ilaahey, waa in golaha wasiiradu mar kale ka fariistaan arrinta ONLF oo ka saaraan liiskii ay ku dareen ee argagixisada, waa in madaxda ONLF oo Qalbi-dhagax ku jiro Muqdisho lagu casuumo dembigaasna looga hoydo” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe, Taliyihii hore ee NISA.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ugu danbeyn soo jeediyay inuu xirmo kiiska ku saabsan Qalbi-Dhagax, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay inuu ahaa dambi weyn iyo qayaano qaran oo ay sharci tahay in la isku maxkamadeeyo.