Xubno Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay Jubbaland.

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa  dagaal  xoogan oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan dagmooyinka  jamaame iyo Badhaahdhe oo katirsan Gobolka Jubbada Hose.

Dagaalka ayaa  waxa uu dhaxeeyay ciidamo katisarn milatraiga Soomaaliya gaar ahaan kuwa danab oo kaashana daraawiishta Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab

Inta la xaqiijiyay dagaaladaan ayaa waxa ku geeriyowday  ku dhawaad 15 qof oo ah dhinacyadii dagaalamay

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland ay ka war heleen weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab sidaasna ay ku qaadeen weerarka

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Ciidamada Daraawsiihta Jubbaland ay howlgalka ku dileen 9 Xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigey.

Maalmihii udanbeeyay gobolka jubbada hoose deegana dhaca ayaa waxaa ka socday howgalo ay sameenayeen ciidamada maamulkaas