SAWIRRO:-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaano dhowr ah

0

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa faah afahin ka bixiyey howlgaladii ugu dambeeyey ee Ciidamada Dowladda soomaaliya ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida u sheegay inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in howlgalka inat uu socday ee 9 mino ayaa soo saareen ciidanka isla markaana ay sii wadidoonaan howlgalka inta ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.