Muwaadin soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur afrika

0

Alle ha unaxariistee waxaa xalay goor dambe lagu dilay magaalada capetone gaar ahaan xaafadda bellvile Nuur Degab oo caan ka ahaa xaafadda koonfur afrika kaddib weerar lagu qaaday goob ganacsi oo kulahaa xaafadda bellville.

Weerarkaan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay wiil soomaali ah oo magaciisa Mustaf lagu soo koobay.

Dilka iyo dhaawaca kaddib ayaa la sheegay inay gaareen xaafadsa bellville laamaha ammaanka ee dalka koonfur afrika kuwaa ok halkaasi baarritaanno ka bilaabay inkastoo aysan gacanta kusoo dhigin ragga weerarkaan geystay.

Saraakiisha ammaanka ee dalka koonfur afrika oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku raad joogaan ragga dilka geystay dhawaane ay caddaaladda horkeeni doonaan kolka ay gacanta kusoo dhigaan.

Sanadkaan 2020ka ayaa tira dhowr ah oo muwaadiniin soomaaliyeed ah lagu dilay dalka koonfur afrika walloow dilka soomaalida loo geystay aanan cidna loo qaban.