Dowladda Oo War Kasoo Saartay Duqeyn Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Milatariga Mareynkanka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa shalay gelinkii dambe waxay duqeyn xagga cirka ah ka fulisay degmada Bangeeni ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo lagu dilay saddex xubin oo ka tirsan Al-Shabaab.

Warka duqeynta ayaa lagu sheegay ineysan jirin wax dhibaato ah oo dadka rayidka ah ka soo gaaray weerarkaas.

Weerarka ka dib, Al-Shabaab ayaa dib uga gurtay deegaanada la duqeeyay, waxayna ciidamada xoogga dalka ee Danab ay sii wadeen howlgalkooda ka dhanka ah Al-shabaab ayaa lagu yiri War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka SONNA.