DHAGEYSO:-Jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug oo lagu dhawaaqayo

0

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee shalay lagu dhawaaqay ayaa Maanta lagu wadaa  inay uga dhawaaqaan jadwalka doorashada Madaxweynaha & kuxigeenkiisa.

Xubnaha gudiga oo ka kooban 13 xubnood ayaa laga soo xuley Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Galmudug,waxaana ka hor ku dhawaaqista jadwalka ay dhexdooda iska dooran doonaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddiga maanta ay soo bandhigeen habraaca jadwalka doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Kulamo aan caadi aheyn ayaa ka soconaya magaalada Dhuusa mareeb ee gobolka Galgaduud.