AKHRISO:- Macallimiin badan oo isaga tagay Wajeer kaddib weeraradii Al-Shabaab

0

Inta badan Macalimintii wax ka dhigayey Jaamacadaha iyo Iskuulada ku yaalla Magaalada wajeer ayaa isaga baxey,kaddib markii ay kordheen weerarada ay halkasi ka geysanayaan Xubanaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Xoghayaha fulinta ee ururka qaran ee macallimiinta (KNUT) laantiisa Wajeer Nuur Bardad ayaa u sheegay Warbaahinada ka howlgalla gudaha Kenya in weeraradii ka dhacay ismaamulka Gaariga ay saameyn ku yeesheen waxbarashada dowlad deegaanka,isla markaana badi macalimiintii ay carareen.

Waxaa uu sheegay in inta badan Macalimiinta ka baxey Magaalada Wajeer ay yihiin kuwo aan deegaanka kasoo jeedin,isla markaana deegaannada ugu badan oo ay isaga carareen ay xigaan dhinaca Soomaaliya.

Waalidinta ku nool Magaalada wajeer iyo guud ahaan Ismaamulka Gaarisa ayuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sidii Carruurtooida Waxbarasho u heli lahaayeen.

Weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Wajeer iyo deegaano kale oo ka tirsan Ismaamulka gaarisa ayaa waxaa lagu diley dad isugu jira Macalimiin iyo Ardey.