AKHRISO:- Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada DANAB ay 19- Bishaan Janaayo oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka degmada Bangeeni ee gobolka Jubbada hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Saddex xubnoon oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana u jeedkiisu uu ahaa inay uga hortagaan weerarada ay markasta Shacabka la beegsadaan Al-Shabaab,sida uu sheegay Agaasimaha howlgalka, Taliska Mareykanka ee Qaraada Afrika Gen. William Gayler.

Sidoo kale Mareykanka waxaa uu sheegay inay qiimeyn iyo baaritaan ay ku sameynayaan inay weerarkaasi waxyeelo kasoo gaartay dad Rayid ah.

Mareykanka ayaa sanadkaan si lamid ah sanadkii tegay ee 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya.