AKHRISO:- Ciidamadii ilaalin lahaa doorashada Somalia oo laga keeney Nigeria

0

Ciidamo laga keenay dalka Nigeria ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho,kuwaas oo lagu biiriyey Booliska AMISOM si ay uga mid noqdaan Ciidamada ka qeyb qaadanaya ilaalinta amniga doorashada Soomaaliya.

Ciidamadaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 130 Askari ayaa dhawaan qaatey tababar la xiriira dhinaca amniga doorashooyinka,waxaana dalka Nigeria uu noqonayaa dalkii ugu horeeyey ee tiradii ugu badneyd ku biiriya Ciidamada Booliska AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska ee howlgalka midowga afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ahna kuxigeenka kormeeraha guud ee Booliska Augustine Kailie ayaa ku boorriyay 130 Askari oo dhawaan laga soo diray wadanka Nigeria in ay u shaqeeyaan si hufan una gutaan waajibaadkooda si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta AMISOM.

Taliyaha Guud ee Ciidamada ka socda Nigeria Shehu Axmed Gani ayaa uga mahadceliyey kooxda hoggaanka sare ee Boliiska AMISOM abaabulka & tababarka ay qaateen oo uu ku sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamadaan ay in ka badan Sanad kaliya ay joogi doonaan Soomaaliya,isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan Amniga Goobaha muhiimka ah,sida Kulamada doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Si kastaba Soomaaliya ayaa waxaa xilligana ku sugan Ciidamo lagu qiyaasey in ka badan 2000 oo ka tirsan Booliska AMISOM,kuwaas oo ka kala socda wadamada,Nigeria, Uganda,Ghana, Kenya, Zambia & Seiraleone.