Waaxda waxbarashada Gobolka Banaadir oo yeelatay Agaasime Cusub

0

Agaasimaha cusub ee waaxda waxbarashada Gobolka Benaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheikh Nur ayaa waxaa uu la wareegay xilka waaxda waxbarashada ee gobolka Banaadir, isagoona kala wareegay agaasimihii ka horreeyay Cabdinaasir Rooble Abuukar.

Marwo Basma Caamir Shakeyti guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Benadir oo goobjoog ahayd musaabadda xil wareejinta ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah ay leedahay waxbrashada Gobolka isla markaana looga fadhiyo agaasimaha cusub inuu la yimaado dardar gelin iyo wax qabad muuqda.

Dhawaan ayey hayd markii uu guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu Cabdiraxmaan Cumar ShikhNur u magacaabay agaasimaha waaxda waxbarshada ee Gobolka.