Maxuu yahay ajendaha kulanka maanta ee baarlamaanka Galmudug?

0

Maanta ayaa lagu wadaa in baarlamaanka cusub Galmudug ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey tan iyo markii ay doorteen guddoonkooda maalin ka hor.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah sidii xildhibaanada ay ugu dhawaaqi lahaayeen guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo dhawaan lagu wado in doorashadiisu ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ajendahooda kulanka maanta uu yahay magacaabista guddi ka shaqeeya arimaha doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, inkasoo aan la shaacin maalinka ay dhaceyso doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug, sida guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa xalay iskugu yimid kulan u gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, kulankaas waxay uga wada hadleen qabsoomidda fadhiyada baarlamaanka oo uu ugu horeeyo kan maanta loo balansayahay ee lagu soo dhisayo guddiga doorashada ee madaxweynaha maamulka Galmudug.