Koox Jawaab Ka Bixisay Eedeymo Culus Oo Loo Jeediyay Madaxweyne Trump

0

Kooxda dhinaca sharciga u qaabilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bixisay jawaabtii ugu horreysay oo ku aaddan eedeymo loo jeediyay madaxweynaha, kuwaas oo sababay in madaxweynaha laga keeno dawcad xil ka qaadis ah.

Sharci-yaqaannadan ayaa arrintaan ku tilmaamay weerar halis ah oo lagu qaaday dimuquraadiyadda. Dukumentiga kooxda oo ka kooban 111 bog ayaa lagu sheegay in qodobbada xil ka qaadista aysan ku jirin wax muujinaya in dembi uu galay madaxweynaha isla markaana looga gol leeyahay in lagu farageliyo doorashada madaxtinnimada ee sanadkan dalkaasi ka dhici doonta.

Hadal jeedinta dacwad oogidda ayaa lagu wadaa inay bilaabato toddobaadka soo socda.

Mr Trump waa madaxweynihii saddexaad inta la ogyahay taariikhda Mareykanka ee wajaha daxwad xil ka qaadis ah, waxaa lagu eedeeyay ku tumasho awood iyo inuu aqalka Congress-ka is hortaag ku sameeyay.