Imaaraatka Carabta oo cambaareeyay qaraxii lala eegtay Turkida dhiseysa wadada Muqdisho iy Afgooye

0

Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraatka Carabta ayaa si kulul u canbaareeysay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay duhurnimadii ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo lala eegtay muwaadiniin Turki ah iyo askar Soomaali ah.

Qoraalka ka soo baxay Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin weerar kasta oo argagixisanimo, waxeyna weerarkaasi ku tilmaamtay mid bahalnimo ah.

“dowladda Imaaraadka Carabta waxaa ay si xooggan u cambaareyneysaa weerarkii ka dhacay agagaarka Afgooye ee lala beegsaday Shaqaalaha Turkiga ah iyo Booliska Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Imaaraatka Carabta.

Qarixii shalay oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa loo adeegsaday gaari NOAH ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo 4 kamida ay ahaayeen Turkida dhiseysa wadada, halka lixda kalena ay ahaayeen askar kamid ah booliska sida gaarka ah u tababaran.

Dadka dhaawacyada gaaray waxaa kamid ah Taliye Kuxigeenka Ciidanka Haramcad Fanax, kaasoo ah ninka loo xilsaaray sugida amniga wadadan oo dhismeheeda meel gabo gabo ah ku dhow yahay, iyadoo la filayo in dhaawacyadaasi saacadaha soo socda loo qaadi doono dalka Turkiga.