DHAGEYSO:-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Khayre Wuxuu Ka Badbaaday Qarax Siyaasadeed”

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku hakiyey masharuucii shalay lagu saxiixay gudaha magaalada Muqdisho.

Jeesow ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaruhu qaaday tallaabo geesinmo leh, islamarkaana uu kaga badbaaday qarax siyaasadeed oo lala damacsanaa xukuumaddiisa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirada looga baahan yahay inay si cadaalad ah wax ugu qeybiyaan maamullada ka jira dalka.