DHAGEYSO:-Sanbaloolshe”Maqabo in dowladan ay ka adkaa doonto Al-Shabaab, hadaan la sameyn seddax qodob”

0

Taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay qaraxyada joogtada ah ee Al-Shabaab ku weerarayaan shaqaalaha dhisaya wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay tahay tan kaliya ee dhisme dhan walba leh oo muuqda dalka ka fulisa, hadii ay dowladdu xakamey weyso weerarrada ku wajahana ay tageyso inuu hakado dhismaha wadadaas.