Dawladda Turkiga oo Si kulul uga hadashay Weerarkii Afgooye iyo Imaaraadka oo War Cusub kasoo saaray

0

Dowladda Turkiga oo si weyn u taageerta Soomaaliya ayaa ayaa War kasoo saartay Weerarkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Kaasi oo dhaliyey khasaare kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ka hadlay weerarkaas oo lala eegtay Injineero Turki ahaa ayaa sheegay inuu muujinayo markale wejiga foosha xun ee kooxda argagixisada, Wuxuuna tilmaamay in weeraradaan aysan hakin doonin howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, taas oo farxad galineysa shacabka Soomaaliyeed,  oo ay Mar walba weliba garab taagnaan doonaan walaalahooda Soomaaliyeed.

“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga.

Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo muddooyinkii dambe kooxda Alshabaab ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xidha magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Dhinaca kale Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u Cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Waxayna tacsi u dirtay qoysaskii ay dadkooda ku dhibaatoobeen dhibaatadii dhacday.

Imaaaraadku War saxaafadeedka kasoo baxay Wuxuu ku sheegeen inay taageero la garab taagan yahiin bulshada Soomaalida, sidoo kalana waxey caafimaad buuxa u rajeeyeen dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii shalay.

Imaaraadka oo horay loogu eedeeyay qaraxii bishii hore dhacay Ex Control Afgooye, ayaa Hada kasoo horjeestay falalka argagixiso ee lagu Khal-khal galinayo xasiloonida Soomaaliya, sidoo kalana waxey wax laga xumaado ku tilmaameen in la laayo dad aan waxba galabsan.