Ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland oo in ka badan 10 Shabaab ah ku dilay J/Hoose

0

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa saakay si wadajir ah howlgal uga fuliyey qeybo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano ay maamulayeen Al-Shabaab.

Sida aan ku heleyno warka howlgalkan ayaa  si gaar ah uga dhacay deegaano howd ah oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanada Araare iyo Maleeleey oo muddo ay maamulayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay howlgalladaas ku soo qabteen qaraxyo u diyaarsanaa Al-Shabaab.