Ciidamada Xoogga oo hawlgal ku burburiyay doon ay Al-Shabaab u adeegsan jireen fulinta weeraradooda

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ay sameeyeen waxa ay ku burburiyeen doonyo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab u adeegsan jireen weerarada.

Hawlgalkan oo sigaar ah uga dhacay gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaan deegaannada Sabiid iyo Mareerey, ayaa ciidamadu waxa ay sheegeen in Al Shabaab ay doomahaasi isaga kala gudbi jireen webiyada mara deegaannadaasi si ay weeraradooda u fuliyaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa muddooyinkan dambe waxa ay kordhiyeen hawlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al Shabaab, kuwaas oo ay ka fulinayaan labada Shabeelle.