Akhriso: Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa oo la magacaabay

0

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, kaddib kulan maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Xildhibaan Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka ayaa talo soo jeedin looga dhageystay Xildhibaanada, waxaana dood laga yeeshay xubnaha ka mid noqonaya Guddiga oo lagu salleeyay nidaamka awood qeybsiga beelaha.

Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa ka kooban 13 xubnood, waxaana la filayaa in xubnahan iska dhex doortaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn, iyadoo la filayo in dhowaan soo saaraan Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo hal maalin dhici doona