Akhriso:-Dagaal ka socda magaalada Marka

0

Wararka ka imanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay goordhow weerar xoog leh ku soo qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin magaalada Marka.

Rasaas xoog leh ayaa la sheegayaa in la isu adeegsanayo dagaalka iyadoo uu dhacayo xilli habeen ah.

Dadka magaalada Marka ayaa soo wajahay cabsi xoog leh iyadoo goobaha lagu dagaalamyo ay ka agdhow yihiin xaafado ay dad rayid ah degen yihiin.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli socda sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Marka.