SAWIRRO:-Wasiir Beyle & Gudoomiyaha gobolka banaadir Oo Saxiixay Heshiis Ku Kacaya $112 Milyan

0

Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisi doono magaalooyinka dalka.

Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa ka mid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda ee XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sharxay heshiiskan iyo qaabka dhismo ee magaalooyinka dalka laga hirgalin doono.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa ka hadlay ahmiyada mashruucani.

Wasiirka howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.