Maxaa looga hadlayaa shirka Dani iyo Axmed Madoobe uga socda Boosaaso?

0

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta oo Sabti ah ku shirsan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan wasiirada labada maamul.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa si wadajir ah u guddoominaya shirkaasi, oo ku saabsan iskaashiga labada maamul, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/21-ka, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka iyo khilaafka dowladda Federaalka iyo kala dhexeeya dowlad goboleedyada, si gaar ah kuwa ay hoggaamiyaan.

Axmed Madoobe ayaa maalintii Khamiista ka soo duulay magaalada Kismaayo, si arimahaas oo dhan uu ugala tashado dhigiisa Puntland oo sida muuqata is baheysi ka leh xaalada siyaasadeed ee dalka.

Labadan masuul oo intii ay ku sugnaayeen Boosaaso dhawr mar warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo u soo jeediyey hogaanka dowladda dhexe, waxaana lagu wadaa markii uu soo dhamaado kulankooda inay warbaahinta la wadaagaan wixii ka soo baxa.