Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka ka tirsan degmada Cadale

0

Wararaka laga helayo deegaanka Xaaji Cali ee hoos-taga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ay soo qaadeen Al-Shabaab ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, waxaana la soo sheegayaa inuu saacado badan uu qaatay.

Wararka ayaa sheegayaa inuu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray, waxaana dadka deegaanka ku soo waramayaan in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in saldhigga ay ciidanka dowladda ku sugnaayeen la wareegeen oo ay cagta mariyeen.

Deegaanka Xaaji Cali ayaa ah deegaan ku dhow degmada Cadale ee xeebta ah, waxaana deegaankaas iyo Cadale ahaayeen goobo aanay Al-Shabaab soo weerarin tan iyo markii ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen lix sano ka hor.