SAWIRRO:-Sidee Axmed Madoobe loogu soo dhoweeyay Boosaaso

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Safarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku yimid Boosaaso ayaa ah kii u horeeyay, tan iyo markii sanadkii hore dib loo doortay.

Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa shir wada tashi yeelanaya, waxaana ay si gaar isaga wareysan doonaan xaalada dalku marayo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo Amniga.

Wada hadalada labada dhinac ayaa marka uu soo gabagaboobo la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed.