Maxkamad Kenyan ah oo dambi ku heshay Agaasimaha Hay’adda SAHAN,  MATT BRYDEN, xukunna ku riday

0

Maxkamad ku taalo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyntii go’aan xukun ka gaarta dacwad mudo socotay oo loo heestay Matt Bryden, Agaasiimaha Haayada SAHAN oo ka shaqeen jirtay Soomaaliya, gaar ahaan cilimi barista siyaasada iyo dhaqaalaha.

Dacwadaan oo soo bilaawatay sanadkii 2016 ayey Matt kala dhaxeysay Mudane Taiwo Babatunde oo hada ah madaxa siyaasada ee AMISOM marna la shaqeeyn jiray SAHAN waxna ka soo aasaasay.

Dacwadaha loo heestay Matt Bryden waxaa ka mid ahaa.

1- Inuu ku xad gudbay sharciga shaqaaleenta iyo shaqaalaha ee dalka Kenya.

2- Waxuu duudsiiyay xaq iyo gunooyin uu lahaa Mr. Babatunde. 3- La lahaanshahii Hayada SAHAN oo uu ku balan furay.

Kadib dhageysi iyo is difaac gal-dacwadeed maxkamad oo mudo ka badan sedex sano soo socotay ayey ugu dambeyntii maxkamada oo uu hogaaminayay xaakinka lagu magacaawo ONESMUS N. MAKAU waxeey ku heshay Matt Bryden inuu ku xad gudbay sharciga shaqaalaha rayidka ee numberkiisu yahay 41 iyo 45 kuna xukuntay sidan soo socoto taariikhda markeey aheed 22dii November 2019

Inuu siiyao Mudane Taiwo lacag gaaryeeyso USD 12,000 oo isugu jirto mushaar la duudsiiyay iyo mag dhaw ku xad gudub shaqsiyadiisa.

Inuu agaasiimaha ururka SAHAN ee Matthew Bryeden ( Matt Bryden ) baxiyo mag dhow yadaan siiyana Mudane Taiwo Babatunde.

Inuu siiyo Mudane Taiwo waraaq cadeyneyso inuu la shaqeeyay hayada SAHAN.

Haayada SAHAN iyo Matt Breyden ayey Dowlada Soomaaliya ka mamnuucday sanadkii 2017 ineey ka shaqeeyso dalka Soomaaliya ka dib markuu sirkdoonka Soomaaliya helay cadeeymo xaqiijinaayo inuu Matt iyo haayada uu hogaamiyaba eey hagardaameeynayeen hab san u socodka dowladnimada iyo qaranimada Soomaalia