Guddoomiye Cumar Filish oo la kulmay Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada Adam Abdelmoula.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir ayaa looga hadlay hey’adaha QM ay dowlada hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca amniga iyo dib udhiska Caasimada.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay kuxigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan is kuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada Adam Abdelmoula.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii ay isla meel dhigeen madaxda QM u qaabilsan Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay kaalinta Xafiiska Qaramada Midoobey ka qaato arrimaha horumarinta bulshada.