Dowladda Mareykanka ayaa balan qaaday in ay si buuxda uga taageereyso dhigeeda Kenya dagaalka xoogan ay kula jirto dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka dagaalamayay mudo ka badan toban sano, iyadoo Kenya ay qeyb ka tahay wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee Al-Shabaab dagaalka kula jira.
Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa la tacaaleysa weerarada Al-shabaab, waxaana gudaha dalkaasi ka dhacay 11 weerar oo qasaare geystay bishii la soo dhaafay.
Si kastaba ha’ahaatee, safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Kenya, Kyle McCarter, ayaa xusay in Mareykanka ay ka go’an-tahay in Kenya ay si buuxda uga adkaato Al-Shabaab.
Sidoo kale, danjire McCarter wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in Al-Shabaab ay khatar ku tahay amaanka Geeska Africa, isla markaana loo baahan-yahay in si wadajir ah looga soo wada horjeesto.
Safiirka Mareykanka ee Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Mareykanka uu yahay dalka dagaalka ugu culus kula jira Al-Shaabab, maadaama diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo ka geystaan gudaha Soomaaliya.
Warka kasoo yeeeray Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xili todobaadyo kahor Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero milatari oo Mareykanka uu ku leeyahay deegaanka Lamu ee woqooyi bari dalka Kenya.