Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay mashruux degmada Kaxda loogu dhisaayo xarun Caafimaad

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc degmada Kaxda loogu dhisaayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego, mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo school ay carruurta si bilaash ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto.

Mashaariicdan la dhagax dhigay waxaa ka warbixiyay guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow waxa uu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib udhiska Caasimadda.