Saxiixa Heshiiska Xabbad-joojinta Liibiya Oo La Sugayo Jeneral Xaftar

0

Wadahadallad ka socda dalka Raashka ee u dhexeeya dawlada uu caalamku aqoonsanyahay ee Liibiya iyo jabhada uu hoggaamiyo jeneral Khalifa Xaftar ayaa la isku raacay xabbad-joojin shuruud la’aan ah oo ka dhaqangasha wadankaas.

Madaxweynaha dawladda dalka Liibiya Fayez al-Sarraj ayaa dhankiisa saxiixay qabya qoraalka heshiiska xabbad-joojinta, isagoona aqbalay horraantiiba markii ay Raashka iyo Turkey ku baaqeen in miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Dhanka kale jabhada jeneral Khalifa Xaftar ayaa dalbaday in waqti la siiyo ilaa maalinta Talaadada ee soo socota si uu u go’aan uga gaaro saxiixa heshiiska xabbad-joojinta.

Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa isna soo dhaweeyay in labada dhinac ay aqbaleen xabbad-joojin ka dhaqangasha dalka Liibiya,isagoona ku baaqay in ay noqoto mid waarta.