Saraakiil Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbooyinka

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo culus oo xalay laga fuliyay degmooyin ka tirsan gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Goob joogayaal ku sugan  Jubbooyinka ayaa sheegay, in xalay ay arkeen diyaarado dagaal oo aad u iftiimaya, islamarkaana magaalooyinka qaar leerar waa weyn ku ifiyay kadibna la maqlay duqeyn culus iyo dagaal toos ah.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in xalay iyaga iyo saaxiibo caalami ah ay duqeyn ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ka tirsan Jubbooyinka, islamarkaana ay khasaaro culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa waxaa ay ka kala dhaaceen degmooyinka Jamaame, Salagle, Jilib iyo deegaanka Xaramka, waxaana la sheegay in halkaasi lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeymaha lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in la dilay saraakiil lagu kala magacaabo Macalin Arbow iyo Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Axmed.

Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa dhowr jeer oo is xig xiga waxaa diyaardo dagaal ay duqeeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka.