DFS oo abaal marin lacageed dul dhigtay xogta shaqsiyaad katirsan Al-shabaab oo dil ku xukuman

0

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay abaal marin Lacageed ku bixinayaan cidii soo sheegta macluumaadka shaqsiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukunno dil ah.

Shaqsiyaadkan oo la faafiyay sawirradooda iyo magacyadooda ayaa ku eedeeysan inay ka dambeeyeen dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ka geysteen gudaha Muqdisho iyo meelo kale.

Hay’adda amniga ayaa dhawaan siidaayay macluumaad ku saabsan shaqsiyaadkaan, iyagoo kusoo bandhigay barnaamijka Gungaar oo lagu wareysanayay shaqsiyaad katirsan Al-shabaab, kuwaas oo xog badan ka bixiyay falal ay geysteen.

Hay’addaha ammaanku ma sheegin inta ay le’egtahay abaalmarinta dhaqaale ee la siinayo cida soo gudbisa xogta raggaan iyo halka xogtaas lala wadaagayo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here