Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Galgaduud

0

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka qarxay dagaal xoogan, kaasi oo u dhexeeya dad xoolo dhaqato ah oo halkaas wada-daga

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo Mirxaley oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u  sheegay in dagaalka u dhexeeya xoolo dhaqatada uu yahay mid xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka ay ku dhinteen dhowr qof, In kastoo aan ilaa iyo hada si rasmi ah loo cadeyn Khasaaraha, waxaana socda dadaalo lagu joojinayo dagaalkaas.